Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday qaar kamida gobolada dalka isagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalada beeleed ee ka socda gobolada qaarkood.
Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa sheegay in xiligan loo baahaan yahay in laga gudbo Dagaalo sokeeye kuwaas oo Soomaaliya dib u dhigay, wuxuuna ka digay in dagaalada noocaas ah ay dib u dhac ku keenayaan dalka oo dhan, lagana dhaxlayo dhibaato aduun iyo mid aakhiro.
Waxaa uu bogaadiyey in Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhexjira dhinacyada Dagaalamaya kuwaas oo xalraadiska ku jira.
Goobjooge.com