Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Nabadsugidda oo la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Magaalada Marka

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda  NISA ayaa la geeyay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose oo dagaalo soo noqdoqday ay ku dhex marayaan laba beelood oo magaalada isku haya.

Ciidamadan ayaa la kala dhex dhigay labada maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamaya magaalada Marka, kuwaasoo  doonaya inay joojiyaan dagaalo saameyn ku yeeshay magaaladaasi.

Afhayeenka maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa sheegay in ciidamada Nabadsugidda ay hadda ku sugan yihiin goobahii ay isku faras aareen Maleeshiyaadka Magaalada Marka ku dagaalamay islamarkaana Ujeedka loo geeyay Ciidanka Nabad Sugidda ay tahay si aan mar kale uusan Dagaal u dhicin.

Dagaalada magaalada Marka ee dhex maray labada maleeshiyo beeleed ayay ku dhinteen  dad ka badan 15 euux, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo ka badan iyo barakac saameyn ku yeeshay magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON