Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ayaa mas’uuliyiinta Soomaalida lagu booriyay inay heshiis kama dambeys ka gaaraan qaabka doorashada sanadka 2016 shirkooda dhici doona 10 Janaayo ee 2016.
Warsaxaafadeedka Mareykanka ayaa ku saabsanaa Shirkii Madashada Wadatashiga Qaran. “Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadii’da heshiiska baaqa Muqdisho kaas oo aasaas u ah hanaan doorasho oo dimoqraadi ah, Waxaan dhamaan ka qeybgalayaasha ku boorineynaa inay muujiyaan sida ay ugu go’an tahay xal kama dambeys ah in la gaaro 10 Janaayo 2016”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka
Dowladda Mareykanka waxaa ay si xoogan u taageersan tahay go’aanka ah in aan mudo korarsi jirin marka uu dhamaado waqtiga hey’adaha hadda jira, waxaana taageerayaan go’aankii golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaas oo tirsigiisu ahaa 2232.
Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo dadaalada lagu soo celinayo nabadda iyo midnimada.
Goobjooge.com