Aftidii laga qaaday dadka Rwanda ayaa si aqlabiyad u ogolaaday in wax laga bedelo Dastuurka dalkaas, taasoo Madaxweyne Paul Kagame ee talada haya u ogolaanaysa inuu dalkaas sii xukumo ilaa sanadka 2034.
Natiijooyin hordhac oo sax ah ayaa muujinaya in 98% dadkii codeeyay ay taageereen in dastuurka dalka la bedelo. Madaxweynaha xilka haya Paul Kagame oo in badan lagu amaano horumarka dhaqaale ee uu dalkaasi ka sameeyay ayaa hadda u xuub siiban doona madaxweyne talada ku raaga isagoo xaaladiisa ku xiray rabitaanka dadka.
Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Kalisa Mbanda oo shaaciyay natiijada hordhaca ah ayaa sheegay in 70% ka mida dadkii codeeyay ay 98.1% ay ku codeeyeen “HAA”.
Dalal uu Mareykanku ka mid yahay ayaa muujiyay inay ka xun yihiin xil kordhinta uu doonayo Madaxweyne Paul Kagame, waxaase muuqata inuu ku socon doona xil dheereysiga loo sharciyeeyay.
Goobjooge.com