Sunday, July 27, 2025

DEGDEG: Ninkii ka danbeeyay qaraxii lagu dilay Weriye Hindiya Xaaji oo gacanta lagu dhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay ninkii ka danbeeyay dilkii Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ahayd weriye ka howlgala Idaacadda iyo telefishanka dowladda ee SNTV.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble ayaa shaaciyay in ninkii lahaa abaabulka weerarkii qarax ee lagu dilay Weriye Hindiya la qabtay, lagana helay xog fara badan weliba uu socdo baaritanka  kiiska, wuxuuna balan qaaday in dhowaan saxaafadda loo soo bandhigi doono.

Weriye Hindiya Xaaji ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray miino loogu xiray gaari ay wadatay xilli ay kasoo baxeysay Jaamacad ay ka dhiganeysay Muqdisho, waxayna ahayd xaaskii uu ka geeriyooday Weriye Liibaan Cali Nuur oo isna kooxda Alshabaab ku dishay qarax ka dhacay Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON