Monday, July 14, 2025

DAAWO: Diyaarad Faransiisku leeyahay oo degdeg ugu degtay Mombasa kadib waxyaabo qarxa oo looga shakiyay

Diyaarad ay leedahay shirkadda AIR FRANCE oo ku timid jasiirada Mauritius, kuna socotay dalka Faransiiska ayaa degdeg ah loogu dejiyay  garoonka caalamiga ah ee Moi oo ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya kadib markii la arkay qalab loo maleeyay waxyaabaha qarxa oo dhex yaala mid ka mid musqulaha Diyaaradda.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa 777 plane ayna saarnaayeen  473 qof waxay ku degay garoonka Mombasa xaaladas darteed, waxaana diyaarada tegay khabiiro dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo baaritaan ku haya, iyadoo dadkii rakaabka ahaa loo qaaday hoteelada magaalada la-talin lagu siinayo.

Laba qof oo rakaabka ka mida lagana shakisan yahay ayaa gaar loo hayaa, waxaana aad loo sugay ammaanka garoonka MOI ee magaalada Mombasa xilli diyaaradaas weyn baaritaan dhinac waliba leh uu ku socdo.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON