Tirada dad ku dhintay booed shidaal siday oo ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Pakistan ku taal ee Ahmedpur ayaa waxay gaartay 146 qof.
Dhimashada badan ayaa timid kadib markii dad badan ay ku soo uureen meesha ay booyaddu ku qalibantay oo doonayey in ay dhurtaan shidaalka, kadibna waxa dab qabsaday booyaddii sidaas ayayna dad badani ku dhinteen.
Dad sigaar cabayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday shidaalkii daatay iyo booyaddaba, sidaa waxa ku waramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob joog ahaa.
Wadooyinka dalkaas ayaa lagu yaqaan in ay khatar badan yihiin, baabuurta oo aan si fiican loo daryeelin iyo wadeyaal si bilaa taxadar ah u kexeeya baabuurta ayaa loo aaneeyaa shilalka ka dhaca dalkaas.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka ayaa goobta loo diray si ay dadka dhaawaca ah isbitaallada ula gaadhaan, sidaana waxa sheegay af-hayeenka ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor.
Warbaahinta Pakistan ayaa baahisay sawirrada baabuur iyo maydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto.