Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne: “Taliyaha Booliska G/banaadir ayaa jirdil igula kacay….”

Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo Wareysi siiyay  ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) uu weerar ku soo qaaday una geystay Jirdil xilli uu ku sugnaa Saldhiga Degmada Xamar-weyne.

C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa caddeeyay  in Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen. Cali Gaab oo wata Ciidamo uu Weerar ku soo qaaday Degmada Xamar-weyne islamarkaana uu Dadkii Deganaa Wakaaladi hore ee Filimada ee Degmada Xamar-weyne Xoog uga saaray halkaasi sida uu yiri.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xamar-weyne ayaa Tilmaamay in dadka laga saaray Xaruntii Wakaaladda Filimada aan lagu soo Wargalin Maamulka Degmada,markii aan weydiiyay Sababtana uu ugu Jawaabay Awoodeeyda ayaan Adeegsanaya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay inuu ku wargaliyay Hay’addaha Ammaanka Arrintaan maanta dhacday si loo Ilaaliyo Wanaaga Dowladnimadda.

Taliye Cali Gaab ayaa saxaafadda u sheegay in  dadka deganaa xarunta Wakaaladii hore ee Filimada wax badan loo digay loona sheegay inay ka guuraan dhismaha balse ay  ka dhega adeygeen.

Dadweyne barakac ah oo ka kooban 22 qoys ah ayaa deganaa xarunta iyadoo ciidamada Booliska si xoog leh looga kiciyay, waxayna dadka halkaasi deganaa ka cabanayaan in iyadoo aan la wargelin ciidamada si xoog ah uga saareen goobta iyagoo aan wax digniin ah la siin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON