Thursday, July 17, 2025

Maamulka Shabeelaha Dhexe oo magaalada Jowhar ka mamnuucay Indha-shareerka haweenka islaamka

Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa magaalada Jowhar ka mamnuucay Indha-shareerka islaamiga ah ee haweenka, iyadoo sidoo kale maamulku xayiraad ku soo rogay in habeenkii uu socdaan mootooyinka Bajaajta.

Sababta tallaabadan loo qaaday ayaa maamulku ku sheegay dhinac ammaanka, waxayna maamulku ku doodeen in Indha-shareerta haweenka ay ku dhex dhuuman karaan rag doonaya inay falal amni xumo ka fuliyaan magaalada.

Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe C/kariin Cumar Macalin ayaa sheegay in laga bilaabo 25-ka bishan December aan la oggolaan doonin in haweenka indhaha shareerka wata ay dhex  maraan magaalada Jowhar.

Magaakada Jowhar oo lagu wado inuu ka furmo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka soca diyaar garow lagu sugayo ammaanka, waxaana tallaabadan maamulka Shabeelaha Dhexe ku dhaqaaqay cambaareeyay qaar ka mida culimada Soomaaliyeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON