Dabley hubeysan ayaa saaka aroortii sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka toogasho ku dishay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho kadib weerar ay ku qaadeen markii laga soo baxay salaadii subax.
Sarkaalka oo ahaa laba xidigle ayaa magaciisa lagu sheegay Canshuur Caraaye Subeyr, waxaana dilka u geysta laba nin oo dabley ah oo markii ay dilkaasi geysteen kadib halkaasi ka baxsaday.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan dilkaasi oo lagu daba jiro dadkii ka danbeeyay, waxaana lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com