Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa isku khilaafay amar shalay ka soo baxay maamulkaasi oo ku saabsan in INDHA-SHAREERTA ay xirtaan haweenka islaamka laga mamnuuco magaaladaasi, iyadoo taasi sabab looga dhigay dhinaca ammaanka magaalada oo la filayo inay marti geliso shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Abuukar Cali Maqaney ayaa beeniyay in maamulka Gobolka uu mamnuucay qaadashada Indha-shareerka, wuxuuna caddeeyay in warkaas aanu aheyn go’aan wadajir ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka, isla markaana uu noqonayo mid waxba kama jiraan ah.
“Waxaa dadweynaha Gobolka Shabeellaha dhexe uga cudur daarayaa hadalka ka soo yeeray Agaasimaha Warfaafinta ee ah in la mamnuucay indha-shareerka, arrintaas waa waxba kama jiraan, ma ahan go’aan uu qaatay maamulka”ayuu yiri Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo si cad u burriyay warkii agaasimaha warfaafinta gobolka C/kariin Aalos uu baahiyay shalay.
“Anaga dad islaam ah ayaa nahay, indha shareerka wax la joojiyay ma lahan, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuu howl shaqo ugu maqan yahay magaalada Muqdisho, aniga kusimaha ahna warkaas waxba kama ogi, waxay ahayd arrin lagu fududaaday, waana lagula xisaabtamayaa agaasimaha warkaas”ayuu si cad u sheegay guddoomiye ku xigeenka ahna kusimaha guddoomiyaha.
Goobjooge.com