Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho oo shaaciyay inuu bilowday wada-shaqeyntii Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Banadir isagoo ugu baaqay ayaa Shacbka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Ammaanka .
Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay soo sheegeen wixii dhibaato abuuraya ee ammaanka khalkhalka gelinaya. Waxaana uu ku booriyay in dhammaan hay’adaha amniga iyo shacabka ay iska kaashadaan sugidda ammaanka.
Ma cadda in hogaanada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Gobolka Banaadir la hoos geeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo in kale, laakiin waxay arrintani ahayd tan ugu weyn ee hor taallay guddoomiye kasta oo gobolka Banaadir uu yeesho.
Goobjooge.com