Saturday, June 28, 2025

Guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani oo dib loogu magacaabay xilkiisii (Akhri Fadeexadii xil ka qaadistiisa)

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa mar kale dib ugu magaacabay Siciid C/qaadir Siciid Guddoomiyaha degmada Shingaani, kadib markii xilkan laga qaaday bishii June ee sanadkan isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Wareegto ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Axmed Xasan Yalaxow oo ahaa Guddoomiyihii degmada Shingaani, iyadoo lagu bedelay Siciid C/qaadir Siciid oo horay xilkan looga qaaday, waxaana la sheegay in magacaabista Guddoomiyaha degmada Shingaani ayaa ka dambeysay soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

AKHRI FADEEXADII XIL KA QAADISTII HORE EE SACIID C/QAADIR EE GOOBJOOGE.COM QORAY

Qaabkii xilka looga qaaday Mr Siciid C/qaadir Siciid ayaa dad badan ka xumaadeen markii Goobjooge.com soo bandhigta qorshahaasi oo uu qeyb ka ahaa wasiir Odowaa iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

 

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA DIB U MAGACAABISTA

saciid

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON