Ilaaliyihii gaarka ahaa ee Usaama Bin Laaden Nasser al-Bahri ayaa geeriyooday kadib markii uu muddo dheer xanuunsanaa, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dalka Yemen.
Bahri oo ahaa Yemeni ayaa geeriyooday Sabtidii isagoo ku sugnaa Isbitaal ku yaala magaalada Koonfurta dalka Yeman ku taala ee Mukkala, waxaa la rumaysan yahay in uu da’da afartameeyada ku jiray.
Nasser Al-Bahri, oo sidoo kale loo yaqaanay Abu Jandal, wuxuu ahaa darawalkii madaxii hore ee Al-Qaacida markii uu Afghanistan ku sugnaa. wuxuuna waqti badan la qaatay hogaamiyihii Alqaacida ee Usaama Bin Laaden.
Bahri waxaa xabsiga Guantanamo Bay laga siidaaay dalka Yemen-na lagu celiyay 2008-dii. iyadoo loo gacan geliyay dalka Yeman.
Waxaa la sheegay inuu ku luglahaa weeraro ay Islaamiyiinta ah ka gaysteen dalalka Bosnia, Soomaaliya, iyo Afghanistan sagaashameeyadii, laakiin markii dambe ayaa la sheegay inuu ka baxay oo isaga haray Afkaarta Al-Qaacida.
Bin Laden waxaa dilay ciidammada gaarka ah ee Maraykanka kaddib markii ay weerar ku qaadeen gurigii uu ku sugnaa oo ku yaalay magaalada Abbottabad, ee dalka Pakistan, bishii shanaad ee 2011.
Goobjooge.com