Sunday, July 13, 2025

DAAWO: Wafdigii xukuumadda Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ay la socdaan wasiiro iyo xildhibaano ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Wafdiga Wasiirka ayaa magaalada Jowhar ku tegay diyaarad helicopter ah ka dejisay  garoonka diyaaradaha dhowaan la dayac tiray ee magaalada Jowhar.

Maamulka Gobolka oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe, kuxigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar iyo dadweyne fara badan ayaa ka  qeyb galay soo dhoweynta wafdiga iyadoo ammaanka degmada si weyn loo adkeeyay.

Wafdiga wasiirka arrimaha gidaha ayaa kulamo la yeelan doona mas’uuliyiinta iyo waxgarada Gobolka Shabeelaha dhexe oo ay kala hadli doonaan arrimaha qabashada shirka labada gobol.

Wafdiga waxaa ka mida wasiirka amniga dowladda Federaalka, Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga, wasiirka kaluuumeysiga, wasiiru dowlaha maaliyadda, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xildhibaano.

DAAWO SAWIRRO

wasirada (2)

wasirada (4)

wasirada (6)

wasirada (7)

wasirada (8)

wasirada (9)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON