Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimacaale Faarax oo maanta ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadaha laga leeyahay dalka Turkiga ee maamula Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho oo kala ah Favori iyo Al-Bayrak ay diideen in lala xisaabtamo oo la ogaado waxa soo gala iyo waxa ka baxa.
Hanti dhowrka guud Dr.Nuur jimacaale Faarax ayaa caddeeyay in shrikadahaasi ay iska dhaadhiciyeen inaan lala xisaabtami karin oo aan la hanti dhowri karin, isagoo taas sheegay inay ka arkeen xaaladda dalka.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka ayuu ugu baaqay Dr.Nuur jimacaale Faarax in ay wax ka qabtaan inta aan la gaarin Bisha Janaayo oo Maalmo ay naga xigaan si loo soo xiro Xisaab xirka Sanadka 2015.
Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak ayaa Maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda weyn ee Muqdisho iyadoo la og yahay in heshiisyada lagula wareejiyay labadaas ilood aan la soo marin Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana la jebiyay go’aan Baarlamaan oo ahaa inaan la wareejin karin Dekadda Muqdisho.
Goobjooge.com