Tuesday, June 24, 2025

Baarlamaanka K/Galbeed oo shirkoodii koowaad yeeshay iyo Guddoomiye KMG ah oo ay dooranayaan

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta fadhigiisii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Baydhaba kadib markii xalay la dhaariyay qeyb kale oo ka mida Baarlamaankaasi oo gaaraya 56 xildhibaan.

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in kulanka koowaad ee Baarlamaanka koonfur Galbeed uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo furay kulanka, waxaana uu ku booriyay inay dedejiyaan howlaha horyaala.

Guddoomiye kumeelgaar ah oo noqonaya qofka ugu da’ weyn xubnaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maanta gelinka danbe iyadoo kadib la dooran doono guddoonka Baarlamaanka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dadaal weyn ugu jira inuu dhameystiro dhismaha Baarlamaanka maamulkiisa inta aanu dhicin shirka Madasha Qaran ee Wadatashiga oo looga hadlayo qaabka doorashada dalka ee 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON