Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si lama filaan ah u tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, halkaasoo kulan toddobaadle ah ay ku lahaayeen Saraakiisha sare ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa kulankaasi ka qeyb galay, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiishiisa ciidamada, isagoo Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ka dhageystay xaaladda ciidamada iyo caqabadaha jira.
Khudbad uu kadib kulanka ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu saraakiisha ku faray inay ka shaqeeyaan ammaanka dalka, islamarkaana ay ay xoojiyaan feejignaantooda. “Saraakiisha Ciidamada xoogga waxaan ugu baaqayaa in ciidamada ay xukamaan ay baraan Wadaniyadda iyo inay si wanaagsan ula dhaqmaan Bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro Nabad iyo Hormar”ayuu kulanka ka yiri Madaxweynaha.
Waa tallaabo aan hore loo baran inuu madaxweynaha xaadiro kulamada saraakiisha ciidamada dalka, isagoo ah taliyaha sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka.
Goobjooge.com