Waxaa magaalada Baydhaba ka socda olole ku saabsan doorashada hogaanka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxaana guddiga doorashada oo uu madax u yahay Madoobe Nuunow Maxamed ay sheegeen in doorashada dhici doonto Axadda.
Magacyada Musharixiinta u taagan guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxay kala yihiin:
Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed waxay kala yihiin:
- Cali Xasan Cusmaan
- C/qaadir shariif Sheekhunaa Maye
Guddoomiye ku xigeenka waxaa u sharxan:
- Shukri Bashiir Haajir
- Ibrahim Xasan Buulle
- Maxamed Nuur Maxamed
Kulan Jimcihii ka dhacay magaalada Baydhaba oo lagu taageerayay musharaxa guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Xasan Cismaan ayaa waxaa hadal dhiiran ka jeediyay Macalin Jiis oo hore uga mid ahaa xildhibanadii KMG ahaa, haddana ah xildhibaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed. wuxuuna yiri:
“Qofkii ku nooleyn kara ayaa usha loo dhiibtaa; Cali Xasan dhan walba waa ka dhisan yahay beel ahaan waa Garre, waa Ganacsade, waana Siyaasi xiliga lagu jiro qofkii Koonfur Galbeed ka bixin lahaa waa isaga” – Macalin Jiis
Goobjooge.com