Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayaan Ra’iisul-wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Dr.Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Wafdiga oo ka kooban siyaasiyiin ayaa martiqaad ku saabsan ka-qaybgalka munaasabadda furitaanka Garoonka dhowaan la dhisay ee Boosaaso ka helay Madaxweyne Gaas, taasoo dhici doonta 08 Janaayo 2016 iyadoo lagu soo beegay maalintii xilka loo doortay C/weli Gaas.
Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyay siyaasiyiintaasi imaatinkooda Puntland isagoona ku tilmaamay inay yihiin shaqsiyaad ay Soomaalinimadu ku weyn tahay isla markaasna ahaa muddooyinkii ay xilalka hayeen kuwo wax wanaagsan ka qabtay dalka Soomaaliya.
Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Dr. Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed oo xilligan xulafo siyaasadeed la ah C/weli Gaas ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay.
Furitaanka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa lagu wadaa in xaflad weyn oo 8-da bishan dhaceysa lagu furo inkastoo qeyb kale ka harsan tahay dhismihiisa, wejiga koowaad ee la soo gabagabeeyay ayaa waxaa dhismihiisa fulisay shirka Shiinees ah, halka ay maalgelisay dowladda Talyaaniga.
Goobjooge.com