Wednesday, June 25, 2025

Turkiga oo shaaciyay inuu saldhigyo Milateri ka sameysanayo dalka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay qiratay inay saldhig milateri ka sameysaneyso dalka Soomaaliya. Emel Tekin oo ah madaxa wasaarada arimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomalaiya ayaa sheegtay  in dowladeedu ay saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaasoo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Arritan ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Turkiga, waxayna tani noqoneysaa  markii ugu horeysay oo ay Xukuumada Ankara si cad u sheegto inay milateri ahaan u joogto Soomaaliya. “Saldhigan military wuxuu  saldhig u noqon doonaa tababarada milateri ee Qaarada afrika” ayay tiri tiri Emel Tekin.

Sidoo kale Wasaarada Gaanshaadhiga Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Dugsi military  oo lagu tababaro  saaraakiisha dowlada Somaaliya ay ka hirgelineyso Soomaaliya.

Turkiga oo door weyn ku leh xaaladda Soomaaliya tan iyo markii uu booqashada taariikhiga ahayd ku tegay Muqdisho sanadkii 2011 ayaa howsheeda u badneyd dhinaca mashaariicda iyo gargaarka, waxaana  hadda ay u xuub siibatay iskaashi milateri.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON