Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac uu maanta ka dhacay degaanka Soona Kay, ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay bilaabeen inau burburiyaan guryo sharci darro halkaasi looga dhistay iyadoo xaafaddan ay tahay mid dan guud ah oo ay degeen dad caadi ah.
Ciidamadii dowladda ayaa la sheegay inay ka hor yimaadeen dad hubeysan oo qaarkood ay ciidamo yihiin, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoog leh, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in lagu dilay dagaalka laba ruux oo midkood ay haweeney tahay.
Dadweyne fara badan ayaa ka qaxay dagaalka waxaana halkaasi ka jirta xaalada cakiran.
Goobjooge.com