Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe amreen in la xiro dhamaan Iskuuladda Waxbarshada ee degmada Jowhar, taasoo la xiriirta Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Jowhar.
War ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo uu ku saxiixnaa Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga & siyaasadda Axmed Meyre Makaraan oo hadda ah kusime ayaa lagu sheegay in Iskuulada ku yaalla Magaalada Magaalada Jowhar ay xirnaan doonaan ilaa la soo Af jaro Shirka Maamulka loogu sameynayo Labada Gobol ee kala ah Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Dugsiyada xirnaan doono ee amarkan uu saameeyay waxaa ka mida:
Dugsiyada: Sheekh Xanafi, Sheekh Xasan Barsame, Sheekh Xuseen Cadde, Imaamu Shaafici, Buulo Balley iyo Dugsiga Buulo Sheekh oo in ka badan 5000 arday ay dhigtaan. Shirka oo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono ayaa maamulku sheegayaa in ardayda loo soo hormarinayo fasaxa sanad dugsiyeedkan, taasoo dhibaato weyn ku ah ardayda shahaadiga dugsiyada sare oo imtixaan mideysan dowladda dhexe ka qaadi jirtay.
Goobjooge.com