Wednesday, July 16, 2025

Cumar C/rashiid oo kulan dhexdhexaadin ah isugu keenay Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan

Kulan uu soo qabanqaabiyay Ra’iisal wasaaraha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta garoonka diyaaaradaha ee Muqdisho ku dhex maray  madaxweynayaasha Jubba iyo Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe oo khilaafkoodu ka sii daray maalmihii ugu danbeeyay.

Arrint ka dhaxeysa maamulada Jubba iyo K/Galbeed ayaa ka dhalatay xulista baarlamaanka Jubba, kadibna u sii gudubtau Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo beelaha Ogaadeen ka hor yimaadeen, waxaana ka sii dartay xalaada  markii maamulka laga dhisay gobolka Bakool oo maamulka Jubba ay taageertay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku goodiyay  inuusan tagayn Kismaayo oo lagu qabanayo shirka looga hadlayo doorashada Soomaaliya. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu hadda aqbalay tegista Kismaayo iyadoo labada dhinac ka wadahadli doonaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON