Mid ka mida abwaanada ugu waaweynaa Soomaalida ayaa maanta ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa. Allaha u naxatiistee Abwaan Cali Sugule Cigaal wuxuu ka mid ahaa tiirarkii suugaanta Soomaalida, waxaana uu qeyb ku lahaa halgankii xoriyadda Soomaalida.
TAARIIKHDA KOOBAN EE ABWAANKA
Abwaan Cali Sugulle Cigaal “Dun carbeed” waa xidaar u soo taagnaa waayihii ka la geddisnaa ee nolosha Soomaalida, xornimodoonkii, midowgii, xukuumadihii iyo wakhtigan burburka.
Waxa uu ku caan ahaa aftahammada hadal helista, waa na sababta halabuurkiisu uga dhex ifayo suugaanta Soomaaliyeed. Bal eeg halhaysyadan bulshadu isu dhiibdhiibto:
“Dab iyo dhagax, layskuma dhuftee, ka la dhowra”
“Nin lagu seexdow ha seexan”
“Af qalaad aqoontu miyaa?”
“Waa’ baa beryay, bilicsan; arooryo baxsan, maalin boqran!”
“Waa loo tartamayaa, maxaad taqaan”
“Ma hadhin hadal lays yidhaahdaa”
Iyo qaar kale oo badan.
Maansadiisu waxa ay mar walba sii oddorostaa barta ummadda iyo hoggaankuba ay cagta dhigi doonaan, iyada oo ka dab qaadanaysa sida markaa tallaabada loo gurgurayo. Bal aynnu farshaxankiisa ka daawanno hal mid oo muujinaya sida 1962-kii durtaba ay u garnaqsanayeen labadii midoobay, oo aynnu ka dhex aragno muuqaalka xilligan ee labada ka la lusha.
“Heestan waxa ay isku ruwaayad ku jiraan ta kale ee tidhaahda ‘Nin lagu seexdoow’ waa 1962-kii markii Xasan-Kayd inqilaabka sameeyey, aniga oo ruwaayaddaa wada ayuu dhacay. Heestaa ‘Hiddiiddiiyooy’ waa garnaqsi waxaana wada hadlaya laba hablood oo jilayey dadka iyo dalka Soomaalilaan iyo laba wiil oo Soomaaliya metelayay,” ayuu yidhi Cali Sugulle “Dun Carbeed”.
Heestan waxa ku luuqeeya Hoballada Waaberi, waxaanay odhanaysaa:
Hablaha:
Hir bay laacoo hinqaday
Hillaac bay baxoo handamay
Haddana waayoo hakaday
Halyeey waayoo hakaday
Haween baan ahoo hamrraday
Hiil iyo midna hoo ma karo.
Wiilasha:
Hurdada aawadaa ma ledo
Hummaaggaagi bay hor kacay
Hawshaada ma soo hadh galo
Hawshaan ku la qaybsadaa
O’ harraadkaan ku la qabaa
O’ anigu waan ku la hayaa
E’ adaan i hagaajinayn.
Hablaha:
Adduunyo hal baan lahaa
O’ hashii horor baa la tegay
Haaneedkaa loo hayaa
O’ hadhuub madhan baan sitaa
Wiilasha:
Haween ma dhammaa la yidhi
Hablow anigaydin hanan
E’ hubaal hal ma siisannaa?
Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)