Friday, June 27, 2025

Shirkii maamul u sameynta Gobolada Hiiraan & Shabeelaha dhexe oo si rasmi ah u furmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa goor dhoweyd oo hadda ah si rasmi ah u furay shirka maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Khudbad uu ka jeediyay xaflada furitaanka shirka ayuu madaxweynuhu uga hadlay xaaladii ay soo martay dowladiisa iyo caqabadihii soo wajahay, wuxuuna intaas ku datay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu furayo shirkii ugu danbeeyay ee lagu dhisayo maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu kula dardaarmay ergada shirka inay ka qeyb qaataan sidii ay u mideyn lahaayeen beelaha kala duwan ee labada gobol.  “Dowladda Federaalka waxay gacan ka geysaneysaa sidii loo dhameystiri lahaa maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay qeybaha kala duwan ee bulshada labada gobol sida ay uga go’an tahay inay sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin.

Shirka oo maanta ku ekaa furitaan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda u gudbo wejiga koowaad iyadoo la qeybsaday ergada beel kasta shirka uga qeyb galeysa oo beelaha qaarkood ay  diidan yihiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON