Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka degay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka ka duulay magaalada Jowhar ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn looga sugayay,  laguna wado inuu maanta ka furmo Shirka Madasha Qaran ee go’aan ka gaarista qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa sanadkan.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo  ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirka Madasha Qaran oo muddo 3 maalmood ah dib u dhac ku yimid ayaa la filayaa inuu madaxweynaha maanta  furo, waxaana ku sugan madaxda maamulada dalka iyo wakiilada Beesha caalamka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON