Kooxda Khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa sheegatay inay ka danbeysay weerarkii qaraxyada iyo iska hor imaadka ahaa ee ruxay maanta magaalada Jakarta ee dalka Indonesia.
7 ruux ayaa ugu yaraan ku dhintay weeraradaasi waxaana ka mida 5 dabley ay oo weerarka soo qaaday, dagaalka oo ka dhacay degmada ganacsiga ee bartamaha magaalada. Sida uu sheegay taliyaha Booliska magaalada Jakarta Tito Karnavian, waxaa xaqiiqo ah in Daacish ka danbeysay weerarka.
Taliyaha ayaa u sheegay Reuters in dagaalyahan ISIS ka mida oo lagu magacaabo Bahrun Naim, la aaminsan yahay inuu ka danbeeyo soona maleegayay weerarka isagoo loo heystay inuu joogo dalka Suuriya.
Lix qarax ayaa ka dhacay goob yar oo bartmaha magaalada ku taala oo ah meesha xarunta u ah dhismooyin iyo dukaamo badan oo ay ku jiraan xafiisyada Qaramada Midoobay. Xaaladda magaalada ayaa kacsan iyadoo dagaalo, qaraxyo iyo ciidamo fara badan oo is dhex yaacaya ay hareeyeen faras magaalihii caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com/Wakaalado