Friday, June 27, 2025

AFHAYEENKA CIIDAMADA KENYA: “Labada dhinac qasaare ayaa kasoo gaaray dagaalka Ceelcade…”

Ciidamada Kenya ayaa war cusub kasoo saaray dagaalka saaka ka dhacay degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo, waxaana afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo uu xaqiijiyay in labada dhinac ay jiraan qasaare soo garay kadib dagaalka, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo tiro.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya wuxuu qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in weli xaaladda ay qiimeynayaan oo ciidamada difaaca Kenya KDF ay si xirfad leh dagaalka u galeen oo ay isu dayeen inay yareen khasaaraha.

Ciidamada Kenya ayuu sheegay inay sii kordhiyeen howlgalkooda milateri kadib weerarka Ceelcade si Alshabab looga saaro Ceelcade.

Kenya ayaa weli ka gaabsaneysa inay faahfaahin ka bixiso qasaaraha dagaalka, halka Alshabaab ay sheegtay inay dishay in ka badan 60 askari.

HOOS KA AKHRI WARKA AFHAYEENKA CIIDAMADA KENYA

Embedded image permalink

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON