Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa xilkii ka qaaday agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka isagoo magacaabay agaasimeyaal cusub.
Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho waxaa loo magacaabay Axmed Faarax Gaatamow, iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore ee C/raxiim Ciise Caddow oo muddo dheer xilkaas soo hayay ilaa dowladii Sheekh Shariif.
Waxaa kaloo Agaasime cusub loo magacaabay Naasir Xasan Xuseen oo noqonaya Agaasimaha Telefishanka Qaranka iyadoo xilkii laga xayuubiyay agaasimihii hore C/raxmaan Yuusuf Alcadaala.
Xil ka qaadista agaasimeyaasha ayaa ku timid isku shaandheyn uu sameeyay wasiirka, waxaana C/raxmaan Ciise Caddow loo magcaabay waaxda qorsheynta iyo xiriirka Wasaaradda, halka C/raxmaan Alcadaala loo magacaabay agaasimaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Goobjooge.com