Sunday, June 22, 2025

Shirkii Kismaayo oo la soo afjarayo & muddo loo qabtay qodob la isku mari waayay

Shirkii Madasha Qaran ee Soomaalida uga socday magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro halkaasi galabta iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan qodobo lagu heshiiyay oo qabyo ah.

Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada  ayaa ku guuleysan waayay inay gaaraan heshiis kama danbeys ah oo ku saabsan qaabka doorashada 2016, waxaana war-murtiyeedka lasoo saarayo la mid yahay midkii laga soo saaray magaalada Muqdisho shirkii bishii December ee sanadkii hore ka dhacay.

Qodobka qaabka loo qeybinayo aqalka sare ee baarlamaanka ayaan weli wax heshiis ah laga gaarin, inkastoo la isku afgartay in aqalka hoose lagu soo xulo qaab 4.5 ah.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ee Kismaayo ayaa sheegaya in shir kale ay Muqdisho ku yeelan doonaan Madasha Qaran, kaasoo dhici doona Bisha Febraayo inta aan la aadin shirka Turkiga, waxaana khilaafka dib loogu dhigay shirkaasi, iyadoo madaxda Soomaalida ay ku noqonayaan xarumahooda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON