Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu weli xabsiga ku jiro Wariye lagu Magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali “Black” oo ka mid ah Wariyeyaasha ka shaqeeya Tv-ga Somnews ee xaruntiisa ay ku taallo Magaalada Muqdisho, kadib markii ay qabteen ciidamada ammaanka.
Sababta loo xiray weriyaha C/raxmaan Black ayaa lagu sheegay inuu sawiro ka qaadayay xarunta shirka Jowhar iyo dhismayaasha magaalada Jowhar, wuxuuna isla shalay tegay magaaladaasi. saxafiyinta gobolka ayaa dadaal ugu jira sii deynta weriyahan, waxayna tani tahay xadgudubkii ugu horeeyay ee Sharciga saxaafadda oo dhowaan dhaqan galay kaasoo diidaya in la iska xiro weriye.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soconaya Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,iyadoo Ammaanka Magaaladaasi si weyn loo Adkeeyay. Wxayna maamulka ku doodayaa inaysan wax war ah ka heynin weriyaha isaguna aanu soo ogeysiin maamulka.
Wariye C/raxmaan Maxamed Cali ayaa hadda xarigiisu ku dhow yahay muddo 24 Saacadood ah oo lagu hayo saldhiga Jowhar.
Goobjooge.com