Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: C/weli Gaas: “Lama oran karo shirkii Kismaayo waa burburay…”

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inaan la oran karin in shirkii magaalada Kismaayo uu guuldarro ku dhammaaday, waxa laga hadlayana ay yihiin masiirka dalka iyo dowladda qaranka wuxuuna rajo ka muujiyay in heshiis la gaari doono shirka kale.

Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso oo uu maanta uu ku laabtay markii uu ka tegau Kismaayo, ayaa sheegay in shirka uusan guul darro ku dhammaan, balse lagu kala maqan yahay wadatashiyo. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in ugu dambeyn la gaari doono heshiis dan u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdi Weli Gaas waxa uu ku warramay in Puntland ay shirka la tagtay rabitaanka shacabka Puntland, balse waxa uu sheegay in cid walba aysan heli doonin 100% wixii ayada ay rabtay, ayna lagama maarmaan noqon doonto in wixii danta Soomaalida ay ku jirto tanaasul laga sameeyo.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA PUNTLAND

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON