Xildhibaan Cabdiwahab Ugaas Khaliif oo kamida xildhibaanada Federaalka, saaxiib dhowna la ah madaxweynayaasha Jubba iyo Puntland ayaa sheegaya sheegey in Puntand iyo Jubaland ay feker ahaan aqbaleen in aqalka hoose ee Barlamanka dowlada Federaalka lagu soo xulo 4.5.
Xildhibaankan oo la hadlay idaacd ku taalla Garowe ayaa sheegay ayaa sheegey in Galmudug iyo Koonfur Galbed ay diideen in aqalka sare lagu soo xulo nidaamka degmooyinka iyagoo dalbadey in labada aqalba Barlamankooda noqdaan kuwa 4.5 lagu keeno. Wuxuuna sheegey in sababta shirka la burburey tahay kadib markii Galmudug iyo Koonfur Galbeed tanaasul ka sameyn waayeen mowqifkooda ku aadan 4.5 in lagu soo xulo dhamaan xildhibanada Barlamanka.
C/wahaab Ugaas Khaliif wuxuu sidoo kale sheegay in Shirka Kismaayo aanu ku soo dhammaan wax lagu farxo iyadoo madaxdii Soomaailyeed, iyadoo aanay cidna ku dhex jirin heshiin waayay inay isku aragti noqdeen.
Goobjooge.com