Sunday, July 6, 2025

DEGDEG: Ciidamada Kenya oo dib ugu laabtay degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo

Ciidamada Amisom ee Kenya ayaa maanta dib ugu noqday degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, maalmo kadib markii halkaasi weerar culus ay ku qaadeen kooxda Alshabaab, kaasoo keenay inay ka baxsadaan  xeradooda.

Maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa Jimcihii weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Kenay ee Ceel-Cadde, halkaasi oo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee dalka Kenya, waxaana jira ciidamo badan oo raq iyo ruux la la’ yahay.

Ciidamada Kenya ee tegay Ceelcade ayaan la kulmin wax iska caabin ah, maleeshiyada Al-Shabaab ka baxday halkaas, waxayna dadka degaanka sheegeen in koox yar sahan ahaan Shabaabku uga tageen ay isaga baxeen.

Ciidamada Kenya oo tiro badan ku soo gaaray Ceelcade, waxaa la socday guddoomiyaha degaanka Ceelcadde Cabdi Cali Qoorleex, waxaana degaanku yahay mid ay isaga qaxeen inta badan dadkii ku noolaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON