Saturday, July 5, 2025

Akhriso: Afarta Qodob ee Beesha Caalamka u soo dirtay Madaxda dowladda Soomaalida

Beesha caalamka ayaa  si cad ugu sheegtay  madaxda Soomaalida  inay si degdega u gaaraan go;aanka hab doorasho oo la isku raacsan yahay waqti aan ka badneyn muddo toddobaad ah.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa arrintan soo gaarsiiyay madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulankiisii ugu horeeyay uu la yeeshay Isniintii, waxaana qodobada madaxda Soomaalida iyo amarrada Beesha caalamka soo gaarsiiyay ay kala yihiin:

  1. Inaysan jiri doonin muddo kordhin loo sameeyo golyaasha dowladda Federaalka ee hadda jira
  2. Inay madaxda Soomaalida isku raacaan hanaanka doorashada ka hor 28-ka Janaayo
  3. Inay sameeyaan Khariirada siyaasadeed howl fulineed (Road map) lagu fuliyo afarta sano ee kadib 2016 ilaa 2020.
  4. In madaxda Soomaalida aya danahooda gaarka ah ka hor mariyaan danaha guud ee dalka.

Go’aankan oo kadib markii la gaarsiiyay madxda Soomaalida lagu baahiyay bogga Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya u jiheynaya qorshe cusub oo beesha caalamka ay u dejineyso hogaamiyeyaasha Soomaalida si looga gudbo mudada kala guurka ah.

Golaha ammaanka Q/Midoobay ayaa 28-ka Bishan ka shiraya xaaladda Soomaaliya, waxayna ku qasban yihiin madaxda Soomaalida inay heshiis gaaraan muddada loo qabtay, sidoo kale shirka midowga Afrika ayaa isla aakhirka bishan shirweyne isugu imaanaya oo arrinta Soomaaliya ka mid tahay qodobada looga hadlayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON