Dufcadii 11aad ayaa maanta ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD eee magaalada Muqdisho, ayadoo xafladda loo sameeyay ardaydan ay ka qeyb galeen masuuliyiinta ugu sareysa jaamacadda, waalidiin, wakiilo ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha Maleysia iyo marti kale. Ardayda qalin jebnisay ayaa gaareysay 432 arday oo isugu jira lix takhasus oo ka ka tirsan kuliyadaha culuumta maamulka, culuumta bulshada, dhaqaalaha iyo kombuyuutarka.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay masuuliyiinta ka soo qeyb gashay xafladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda Dr. Cabdiraxmaan Saalax “Muhaylaan”, Sheekh Maxamed Al-Khamiis, Agaasimaha DirectAid Sheekh Xasan Badawi iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga sare ee jaamacadda SIMAD, Sheekh Maxamed Al-Khamiis ayaa tilmaamay in sare u qaadidda waxbarashada Soomaaliya ay aasaas u tahay in la soo saaro aqoon yahan xirfad leh oo ka qeyb qaadan kara dib-u-dhiska dalka, isagoo u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay.
Dhammaan ardayda qallin jabisay ayaa masraxa yimid, ayagoo gacan qaaday guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda oo guddonsiiyay shahaaddadooda. In ka badan afar kun oo arday ayaa ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, kuwaas oo shahaaddada heerka koowaad qaatay 16kii sano ee ay shaqeynaysay jaamacaddu kuwaa oo ka shaqeeya xarumaha kala duwan ee guud ahaan wadanka iyo gobolkaba.
Goobjooge.com