Friday, July 4, 2025

Beel Baacicade oo ka baxday shirka Jowhar & baaq loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Beesha Baadicade ayaa shaacisay inay ka baxday shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo dhaliishay  qaabkii ay Wasaarada Arrimaha gudaha u qeybisay Odayaasha xulaya ergooyinka shirka.

Beesha Baadi Cadde oo ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka sheegtay inay ka horjeedo qaabka loo qeybiyay  Odayaasha shirka Jowhar, waxayna cadaalad darro ku tilmaantay wasiirka arrimaha gudaha tirada uu beeshaasi ka siiyay odayaasha.

Odayaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Baaldi Cadde  waxay sheegeen inaysan ogolaan karin sida wax u socdaan, waxayna baaq adag u direen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ka dalbadeen inuu soo farageliyo khaladaadka wasiir Odowaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON