Saturday, July 5, 2025

Xildhibaano Kenyaan ah oo ku baaqay in xilka laga qaado Wasiirka Gaashaandhigga Kenya

Xildhibaano ka tirsan xisbiga mucaaradka ODM ayaa dalbaday in xilka laga xayuubiyo xoghayaha Gaashaandhigga Dalka Kenya  oo ay ku  tilmaameen mid xilka loo dhiibay aan qaadi karin oo si weyn ugu fashilantay kadib weerarkii Alshabaab ku qaaday xerada ciidamada Kenya ee CeelCade, Gedo.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in degdeg loo bedelo Raychelle Omamo oo ah xoghaya difaaca dalka Kenya, waxayna madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqeen inuu qof munaasib ku ah xilkaasi loo dhiibo, iyagoo ku dooday in markii horeba ay khalad ahayd in haweeneydaasi xilkaas loo igmado.

Waxay ku eedeeyeen Raychelle Omamo inay u muuqday qof tacbaan ah oo niyad jabsan isla markaana aan awood u lahayn inau dhiirigeliso ciidamada, waxay kaloo dowladda Kenya ka dalbadeen in ciidamada ka jooga Soomaaliya degdeg looga saaro mar haddii ay fashilantay qorshihii Alshabaab meesha looga saari lahaa.

Xildhibaanka Rarieda ee Nicolas Gumbo aya ku dooday in haweeneyda  Ms Omamo ay khalad ahayn xil wasiirka difaaca loo dhiibo, waxayna u muuqatay ayuu yiri Baadariyad intii ay ka noqon lahayd xoghaye difaac. Xildhibaanka kale ee Junet Mohamed ayaa sheegtay inaysan xilkaasi ku taageereynin Ms Omamo.

Xildhibaanada oo ku hadlay magaca ODM ayaa sheegay haddii aan xilka laga qaadin Raychelle Omamo inay mooshin ka keeni doonaan, waxayna dhinaca kale dowladda Kenya ka dalbadeen inay shaaciso tirada dhabta ah ee askarta Kenya looga dilay Soomaaliya.

Waxaa soo muuqata in saameynta weerarkii Alshabaab ee Ceelcade ay ka bilaabatay Nairobi, waxayna arrintu ka sii dari doontaa marka la ogaado tirada askarta la dilay ee Kenya uga riiqday weerarkii Ceelcade.

Source: Daily Nation

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON