Sunday, July 6, 2025

Beesha Wacbuudhan Abgaal oo shirweyne uga socdo Balcad (Madaxweynaha oo ka hor yimid)

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa shir uga furmay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee Beesha Wacbuudhan Abgaal, iyadoo shirkani ku soo beegmay xilli uu magaalada Jowhar ka socdo shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka shirka ka qeyb galaya waxaa ka mida :

Xildhibaan Cumar Maxamad Maxamuud (Finish),

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (furdug).

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo Kaaraan, Balcad, Warsheekh iyo Ruunnirgood

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmad faal)

Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed  C/laahi Sheekh Xasan.

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Daaci)

Ex. Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan.

 Ugaas Maxamuud Cali Ugaas

Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Cali Maxamed Weheliye

iyo xubno kale oo fara badan

Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay wadatashi ku saabsan xaalada beesha iyo sidii ay mowqif mideysan uga qaadan lahayd xaaladda siyaasad ee ku wareegsan, waxaana shirka looga doodayaa doorka beesha ee shirka Jowhar iyo kaalinta dowlada Federaalka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka hor jeestay shirkan isagoo isku dayay inuu ka reebo ka qeyb galkiisa qaar ka mida odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan oo ku gacan seyray.

Waxaa lagu wadaa inay shirka ka soo baxaan go’aano ku saabsan mowqifkeeda shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON