Weerarkii xalay lagu qaaday xeebta Liido, waxaa ku geriyooday 20 qof oo ay ku jiraan afar Shabaab, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo badan.
Arrinta ugu murugada badan ayaa ahayd in weerarka lagu dilay waxaa ka mida saddex qof oo walaalo ah, oo ku sugnaa maqaayadda Liido Sea Food, sida uu ku waramayo wiil la dhashay saddexdaas qof oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Kheyre.
Waxa uu sheegay inay Baarka u tageen si ay waqti fiican ula soo qaataan ubad ay dhaleen walaalihiisa, maaddama uu ka soo xirmay imtixaanaadka Iskuullo iyo Jaamacado ay dhiganayeen.
DHAGEYSO WAREYSI XANUUN BADAN OO VOA-DA LA YEELATAY