Sunday, July 13, 2025

Warbixin laga helay taliyihii Xerada Ceelcade ee u gacan galay ururka Alshabaab

Taliyihii  ciidamada Kenya ee Xerada Ceelcade oo weli la la’ yahay, isla markaana Alshabaab ay sheegtay inay nolol ku qabatay ayaa la ogaaday magaciisa, kadib markii warbaahinta Kenya ay baaritaan ku sameysay.

Major Geoffrey Obwoge ayaa ka mida askarta lagu waayay  dagaalkii Ceelcade oo laga cabsi qabo inuu u gacan galay Alshabaab, Qoyska Major Obwoge oo u waramay  wargeysyada  The Star ee Kenya ayaa sheegay inay ugu war dambaysay isbuuc kahor markii weerarka xerada lagu qaaday.

Major Obwoge ayaa ahaa 32 jir ciidanka ku biiray sanadkii 2002 waxaana lagu qaatay xidigle. Sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ka shaqeynayay degmada Mandera, waxaa Ceelcade la geeyay bilowgii Bishan Janaayo.

Sarkaalkan aabihiis Charles Obwoge ayaa sheegay inuu ka rajo qabo in wiilkiisa uu nool yahay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Kenya aysan wax akhbaar ah ka siinin xaalada wiilkooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON