Saturday, June 28, 2025

SAWIRRO: Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Madaxda dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq Iyad Allawi.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi iyo Qunsulka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Maxamed Cabdi Cali waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in kulanka ka dhacay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq uu ku saabsanaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda islamarkaana waxyaabihii laga wada hadlay la isku af gartay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad kaga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC ayaa geesta kalena kulammo la leh Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Islaamka ee kulanka kasoo qeybgalay.

Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (2)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (3)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (5)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (6)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (8)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (9)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (10)Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (11)

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON