Friday, June 27, 2025

Faahfaahin ku saabsan ciidamada cirka Kenya oo duqeyn joogto ah ka wada Gobollada Gedo iyo Baay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Duqeyn  ciidamada Cirka Kenya si xowli ah uga wadaan Gobolada Gedo & Bay ee Koonfurta dalka Soomaaliya, kadib weerarkii Ceelcade iyadoo dadka degaanka ay sheegayaan in duqeynta oo aan loo meel dayin lagu laayay xoolo iyo dad reer miyi ah.

Waxaa lasoo weriyay inay ugu yaraan saddex qof oo Shacab lagu dilay weerarka ay ku dhinteen duqeyn saakay ka dhacday degaanka Ceelgaduud oo ku dhow Ceel Cadde, waxaana jira qasaare fara badan oo dadka degaanka  soo sheegayaan.

Wararka kale ee laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in saddex gantaal ay ku dhufteen diyaaradaha Kenya Degaanka Raaxoole oo ku dhow Diinsoor, waxaana lagu soo waramayaa in Labo mida ah gantaalada aysan qarxin.

Deegaanka lagu magacaabo Qodqod ayaa isna ciidamada Cirka Kenya  ay duqeyeen ayaa laga soo sheegay qasaaro dad & xoolo leh. Kenya ayaa u muuqata inay ka aargudaneyso shacabka Goboladda Gedo iyo Baay kadib weerarkii askarta badan looga dilay ee Alshabaab ku qaaday Ceelcade.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON