Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ee duqeynta ka wada Gobollada Gedo iyo Baay ay geysteen qasaare dhimasho dad iy xoolo leh oo ay burburiyeen hanti fara badan.
Col. Aadan Axmed Xersi oo kamida saraakiisha Ciidanka dowlada Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeynta Kenya ee ka socota Gobolka Gado taas lagu dilay dad ka badan 50 qof.
Korneel Aadan Axmed Xirsi waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kenya ay sheegeen inay taageersan yihiin Duqeynta Gobolka Gado.
DHAGEYSO
Goobjooge.com