Beesha Mudulood ayaa go;’aan mideysan ka qaadatay shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib shir ay u dhan yihiin oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Imaanka iyo Ugaaska Beesha ayaa shirka hogaamiyay, iyadoo ay ku sugnaayeen dhammaan beelaha Muddulood, waxaana dooda ugu weyni ahayd sida beeshu go’aan mid ah uga qaadaneyso shirka Jowhar oo hakad ku jira.
Shirkaas kadib waxaa xaal iyo cudurdaar la siiyay beesha Ciise Mudulood oo arrimo ka sheegatay beelweynta Abgaal, waxaana la go’aamiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
- In Beesha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe uga qeyb gasho qaab Muddulood ah
- In Gogoshu ahaato Jowhar sidii madaxweynuhu u wareegtada ugu soo saaray
- In xiriir lala sameeyo beelaha kale.
Odayaasha Mudulood ayaa ka baaqsaday inay tagaan magaalada Jowhar, kadib muran ka dhashay qaabka Wasaaradda arrimaha Gudaha u qeybisay odayaasha soo xulaya ergada shirka.
Goobjooge.com