Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Cayaar jecel) oo maanta loo dhaariyay xilka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka uu qabtay iyo qaabka xilkaasi uu ku helay, wuxuuna sheegay in loo gartay xilkaasi oo odayaasha beesha uu kasoo jeedo ay u garteen.
Mar uu ka hadlayay isagoo hore u alifay heestii “XILDHIBAANIMOY XAAL QAADO” iyo hadda uu xildhibaan noqday wuxuu sheegay in dharaar waliba xaaladu meel taagan tahay, isaguna uu ku faraxsan yahay in 6 sano ka hor heestii uu sameeyay ay saameyn weyn yeelatay.
“Markii xilka la ii dhaariyay waxaa xildhibaanada ii qaadeen heestii xildhibaanimooy xaal qaado, anigana waan la qaaday” ayuu yiri Xildhibaanka cusub oo radio Kulmiye wareysi siiyay.
DHAGEYSO WAREYSIGA
Goobjooge.com