Tuesday, July 8, 2025

C/weli Gaas oo si kulul u beeniyay heshiis kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhri War-saxaafadeed)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si kulul u beeniyay isla markaana shirkii hordhaca ee Madasha Qaran iyo wakiilada Beesha caalamka ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka beeniyay hadal ku dhex khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in heshiis lagu gaaray shirkii Kismaayo, kaasoo ah in aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5.

WAR-SAXAAFADEED XALAY SAQDII DHEXE KASOO BAXAY AFHAYEENKA PUNTLAND OO MUQDISHO KU SUGAN AYAA LAGU BEENIYAY ARRINTAN.


 

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Jan-2016 xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac u ah shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Shirkaan oo gogol xaar u ahaa shirweynaha madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa ugu horraynba khudbad kajeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan heshiisyo lagu soo gaarey shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo intaasi kadib khudbad xasaasi  ah kajeediyey shirka  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dalwadda Federaala, isla markaasna sheegay in uu ka xunyahay in madaxda sare ee dalku ay shirka ka sheegaan warar aan sal iyo raad lahayn.

“waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda  inaan ka caddeeyo warka ka soo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ee sheegay in Kismaayo heshiis lagu gaadhey, waxaanse halkan kaxaqiijinayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo lagu soo  gaarey magaalada Kismaayo oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay halkaan u yimaadeen wadatashi balse aanay u socon in ay qayb ka ahaadaan go’aano hore loo gaadhey, isagoona ku celiyey mawqifkii Puntland ee ahaa in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah.

“Puntland waxay halkaan u timi wada tashi, si loo helo dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad, balse uma iman in aanu ka-qayb qaadano go’aano hore loo gaarey,sidoo kalena  Puntland kama shaqaynayo go’aano ay cid keliya halkaan ku gaartey, mawqika Puntland waa In Deegaan wax lagu soo doorto” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli. 

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_0591IMG_0593IMG_0604IMG_0610IMG_0612

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON