Mid ka mida saxafiyiintii ugu waaweynee Geyiga Soomaaliyeed Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah khabiir Saxaafadeed oo muddo ka badan 50 sanadood ka soo shaqeeyay Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe u geeriyooday xanuun degdeg ugu soo booday, kadib markii wadnaha laga qabtay.
Marxuumka ayaa geeryioogay saaka waaberigii abaarihii 4:30, iyadoo markaas ku sugnaa isbitaalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho.
Abuukar Xaaji Goobdoon oo ay walaalo yihiin Cabdi Xaaji Goobdoon Allaha u naxariistee ayaa xaqiijiyay kana hadlay taariikhda walaalkiis Cabdi Xaaji Goobdoon.
Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ahaa Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dhanka Warbaahinta.
Taariikhda Kooban Ee Marxuun cabdi Xaahi Goobdoon.
Cabdi xaaji Goobdoon waxaa uu Macalin ka soo noqday Iskuulkii Leegada oo isla Iskuulkaas ayuu wax ku soo bartay.
1961 ayuu Cabdi Xaaji Goobdoon ku biiray Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya,
1971-ilaa 1981 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdi waxaa uu soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Allaha u naxariistee waxaa uu Cabdi Xaaji Goobdoon uu ifka kaga tagay Hal Xaas,iyo 15 Caruur ah oo 8 ay Rag yihiin iyo Todobo hablood.
TACSI
DHAMMAAN BAHDA GOOBJOOGE.COM WAXAY TACSI U DIRAYAAN QOYSKII IYO EHELADII UU KA GEERIYOODAY MARXUUM CABDI XAAJI GOOBDOON WAXAYNA EEBE UGA BARYAYAAN INUU NAXARIISTII JANO KA WARAABIYO AAMIIN
INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN