Wararka ka imaanaya degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Kenya ay xalay ka baxeen halkaasi, waxaana isla markii soo buuxiyay oo dib ula wareegay kooxda Al-shabaab.
Dadka degaanka iyo kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan kooxdaasi ay dib ula wareegeen degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay ku taalay xeradii ciidamada Kenya ee la weerara. 15-kii bishaan, laguna laayay in ka badan 100 Askari oo Kenya ah.
Isgaarsiinta Degaanka ceel-cadde ayaa hawada ka maqan, iyadoo ay adag tahay in xog intaa dheer laga helo. Ciidamada Kenya ayaa ka qaatay xerada meydadka ciidamadooda oo dib loogu dhoofiyay Nairobi.
Goobjooge.com